Baankii Dhexe Ee Qaranka Somaliland Oo Haawanaya Iyo Meehanowga Dadka Jeegaga Sita + Madh-Naanta Qasnadaha Baanka.
October 7, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar iyo xogo rasmi ah, ayaa sheegaya inuu Baankii dhexe ee Qaranka Somaliland uu haawanayo,isla markaana aana jirin wax lacag ah oo taal, iyadoo ay qasnadihii kayd-ka Lacagaha ee Baanka ay gebi ahaaba faaruq-yihiin.
Illo wareed-yada aanu warkan ka helnay ayaa intaasi ku daray in maal-mihii u danbeeyey ay Baanka dhexe ee Qaranka Somaliland ku noq-noqnayaan dad site Jeegaga, kuwaas oo ay kamid ahaayeen xubno ka tirsan Golayaasha Qaranka Somaliland, iyadoo ay shaqalaaha Baanku ku wargelinayeen Dadkaa iyo masuuliyiinyaa lacagta ka doonaya in aanay jirin wax Lacag ah oo taal Baanka, waxaanay ka codsanayeen in ay mar kale kusoo laabtaan, taasi oo ay xusid mudan-tahay in ilaa maanta iyo maalihii aynu soo dhaafnay ay dul-meehanaabayaan Baanka masuuliyiin iyo dad Jeegag sita oo Lacago biilal u badan ka doonaya Baanka.