Abwaan Weedhsame oo Gabay Qiiro Leh Ka Tiriyey Xaalada Abaareed ee Dalka Iyo Dhibaatada ay Ku Sugan Yihiin Dadkeena ay Abaaruhu Saameeyeen
March 30, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatodayu.com)-abwaan Xasan Daahir Weedhsame oo ka mid ah abwaaniinta reer Somaliland ayaa tix maanso ah ku cabirey dareenkiisa abaaraha baahsan ee dalka ka jira,
Maansadan oo iskugu jirta waano duco iyo alle bari ayuu abwaanku si qoto dheer u kala dhig dhigayaa xaalada aadka u adag ee ay ku sugan yihiin dadkeenii xoolo dhaqatada,iyo beero qodotada ahaa ee ay abaaraha aad ka u daran saameeyee,
Halkan Ka Akhri Gabaygaasi
Gurbood-dhadhiya, waayeel-gayaxa, geesi kaga qaysha, Abaar geel-idlaysaa dhacdiyo geedo wada leefe, Iyadoo badhkeen oon u go’ay haad ku gabasleeyey, Haddaynaan gurmanin oo hagrano waa gunnimo weyne, Guntadaay ma soo bixin fadhiyo maalin la gam’aaye.
Saddex goor haddii aad gasiin gawska la helayso,
Haddaad midhaha geedaha ku yaal gurato hoobaanta,
Haddaad guri dugsoon jiifto iyo ilo-xidh kuu gaara,
Haddii goolal kuu looggan yiin dhereg ku goohayso,