Hogaamiyaha Mucaaridka Dalka Kenya Oo Ka Hadhey Doorashadii Dalkaasi Iyo Sababta Keentay
October 11, 2017 - Written by Berbera Today
Nairobi(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay inaanu ka qaybgeli doono doorashada ku celiska ah ee madaxtinnimada oo lagu waday inay dhacdo 26-ka October.
Odinga ayaa ku baaqay in guddiga doorashada ay ku dhowaaqaan waqti cusub oo ay doorashadu dhacdo, isgoo dalbaday doorasho lagu kalsoonaan karo.
Dhinaca kale madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa isagu ku adkaystay in doorahadu aysan waxba iska beddeli doonin inay dhacdo xilligii loogu talo galay.