Baashe Morgan Oo Hargeysa Dhuumasho Ku Jooga Ilaalo Xoogna Samaystay Iyo Sababta
October 14, 2017 - Written by Berbera Today
Wiilka Madaxweyne Siilanyo Sodoga Uyahay ee Lagu Magacaabo Baashe morgan oo dalka Somaliland iyo dadkiisaba Hadimo Ka Galay isaga oo ka faa,iidaysanaya Awooda Qoyska uu Xididka Layahay ee Madaxweyne Siilanyo islamarkaana boobay hanti badan oo dalku leeyahay kaalinta koowaadna Kaga Jira Kooxda Musuqmaasuqa baahsan dalka Ka Gaystay lana sheegayo inuu saami weyn ku leeyahay Kireynta Dekeda Berbera ee shirkada DP World
Sidoo Kalena Lacago Malaayiin Dollar ah ka qaatay Kireynta Madaarka Diyaaradaha Berbera iyo Saldhiga Ciidan ee dalka isutaga Imiraatka Carabtu Berbera ku yeelan doono ayaa maalmihii udanbeeyay isaga oo Hargeysa Ku sugan ku dhici waayay inuu sidii caadada u ahayd tago Hutelada Waaweyn ee magaalada hargeysa Kuyaala Iyada oo lawada ogyahayna Inuu Guulwadihii ay Qoyska Madaxtooyadu kalsoonida Buuxda Ku Qabeen ee Xildhibaan Nacnacna Ka talaabay oo Xisbiga Waddani galay isaga oo eedo culusna Ujeediyay Madaxtooyada iyo Qoyska Maamula.