berberatoday.com
“Anigu Ma Jecli Qof Keligii Isa Siiya Guul Aanu Lahayn Ama Wax Yar Uun Ku Lahaa. Oo Intii La Lahayd Eenu Ka Lahayn Ka Dhiga Wax aan Jirin Oon Iyagu Waxba Ahayn. Kuwa Aan La Hadlayaa Kuma Dhacaan”Mujaahid Cali Guray Oo Jawaab Adag ka Bixiyay Hadalkii Kasoo Yeedhay Mujaahid Axmed Mire
October 16, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray) oo ka mid ah xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa si dadban uga dareen celiyey qoraal uu soo saaray Mujaahid Axmed Mire, kaas oo uu shacabka ugu soo jeediyey inay u codeeyaan murashax Cabdiraxmaan Cirro.
Mujaahid Cali Guray ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu jawaab dadban kaga bixiyey qoraalka mujaahid Axmed Mire, waxaanu warbixintiisa ku bilaabay sidan:-
Anigu ma jecli qof keligii isa siiya guul aanu lahayn ama wax yar uun ku lahaa. Oo intii la lahayd eenu ka lahayn ka dhiga wax aan jirin oon iyagu waxba ahayn. Kuwa aan la hadlayaa kuma dhacaan
inta ay aniga iyo qayrkay soo hor fadhiistaan aanu si furan anaga oo is horfadhina oo lana wada dhegeysanayo aanu dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee xiligii halganka iyo xumaan iyo samaan wixii dhacay aanu runta ka sheegno oo qalad iyo sax qofba intii uu ku lahaa la qirsiiyo oo hortiisa laga cadeeyo.
Laakiin waan ogahay kuwa ugu boogaha badan SNM ee tooska ugu lug lahaa dagaaladii sokeeyuhu inay iyagu yihiin kuwa ugu faanka badan hadana aanay ogolayn inay dood furan ka galaan waayo iyagu way is ogyihiin aniguna ceeb Alleh ha asturo eh ma jecli in aan wax ka sheego oo weliba run ka sheego. Lakiin waxan kula talin lahaa waar ha iska dhigina wax aydaan ahayn waa ogtihiin waxa ummadan yeesheen iyo intaa hadimo u geysateen eh.
Waa ogtihiin faylashiina in la hayo oo in badan oo runta ogi ay noolyihiine. SNM waxa kala yaqaan kuwii ay dagaalameen ee ka soo horjeeday. Dib u akhri warqaddii Moorgan ee runta badani ku jirtay iyo waraysigii Cabdicaziiz Cali Bare oo isagu ahaa sarkaakii ugu dagaalka adkaa SNM ee bari ilaa galbeed isaga dabqaadi jiray ugu dambaystiina lagu jebiyay dagaalkii Berbera.
Godabaynta maalmaha gudbiyo, galaha taariikhda
Gadood dhacayba sheekuu lahaa, geyfan iyo raade
Ganba-xoorka waayaha haddii, laysu minan guursho
Dad uun baa ma guurtada lahaa , goobihii baxaye.
Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide
Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede
Nin uun baa guddoonsha’e xil waa, laysu gororshaaye
Galladduna waxay saaran tahay , wax isu geygeyne
Inkastuu wax galo ama wax gudo , ama wax weyn gooyo
Inkastuu galool mudhay ka yahay, dhiraha gaagaaban
Hadduu geel abuuriyo hadduu, gaas cartama beero
Inta ruux wax gaadhsiin karaa, way gun dhowdahaye
Noloshana galgalaheeda iyo, gebi ahaanteeda
Waxaan geesi karin baa jiroon, gaar ninawfaline,
Xaajaba gan baa loo unkaa, talaba waa goore
Ummadyahay tiraa kaa gedmane , wax isu geygeyso
Ninkii aad garaaddiyo shaxshaxo, saartay garabkiisa
Kol hadduu dharaar goonya kulul, kaa gelgelin doontay
Waxaad galabsatuun baa jiree, gaado kale yeelo
Ninkii aan gondaha kaala dhayin, gololo hawsheeda
Gardaadkaaga yuu baran inaan, taada lagu gaadhin
Hadday gibili kaa saarantahay, gocomo hooseeya
Waxaan geedna kaa qarin indhuhu, yay ka gabargaalin
Hadba soo gadaal eeg ninkaad, gadato hiilkiisa
Gol dalooladaaduu nin ogi, galagalaystaaye
Aduun bayse kaa go’an yihiin, maalmahays guraye
Godan baa la yeeshaa xadhkaha, haysku wada giijin`
Berberatoday.com
COMMENTS
|