Xukumada Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabtay Saraakiil Katirsan Xisbiga Waddani
October 17, 2017 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Lamaaha amaanka ee gobalka Togdheer ayaa waxaa ay iminka xabsiga dhigeen saraakiil ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani .
Saraakiishan la xidhay ayaa waxaa ay kala yahiin Xoghaye ku xigeenkii warfaafinta xisbiga Waddani Md Cabdisalaan Ilkacase iyo laba xubnood oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Waddani laguna kala magacaabo Cabdilaahi Sheekh Aadan Abokor Iyo Maxamed aadan Maxamed .
Ilaa hada ma cada sababta loo xidhay saraakiishan oo ku sugnaa magaalada Burco , waxaana ay arintani ku soo beegmaysaa xili ay xisbiyadu u diyaar garoobayaan olalahii doorashada madaxtooyada oo 21 bishan si rasmi ah u furmi doona