Daawo Sawirada Weriye Mubaarig Nirig Iyo Dhaawacyada Kasoo Gaadhay Weerarkii Shacabka Tuulada Go,da Yari Ku Qaadeen Waftigii Xisbiga Kulmiye Uu La Socday
October 20, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Siday Horeba usoo sheegnay Qaar Kamida Shacabka Ku dhaqan Tuulada Go,da Yar oo Katirsan Degmada Go,da Weyn ee Gobolka Saaxil ayaa weerar ku Qaaday Shalay Wefti Kasocday Xisbiga Kulmiye oo Deegamadaas ku maraayay Safar shaqo oo la xidhiidha fusrista Xafiisyo Xisbigaasi ku yeelan doono deegamadaas.
Weerarkaas oo Wariye Mubaarig Nirig uu kasoo gaadhay dhawac uu sababeen Budhadh ay la dhaceen laba nin oo kmida dadka weerar gacan ka hadalka ah ku qaaday Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Gudida ololaha ee Xisbigaas dhawaacyada wariyaha gaadhay oo kaga dhacay gacanta iyo dhabarka ayaa ah kuwo barar kaga tagay iyada oo wariyaha oo xalay fiidkii berbera soo gaadhay hada dhawaciisa lagu daaweynayo Cisbataalka Berbera.