Fariin Caafimaad”Toontu Waa Dawo, Laakiin Dad Badan Ayaa Urteeda Darteed U Naca, Haddii Aad Kuwaas Ka Mid Tahay Habkan U Isticmaal Si Urtaas Aan La Jeclayni Ay Uga Tagto
October 21, 2017 - Written by Berbera Today
Tookiyo(Berberatoday.com)-Wargeys lagu amgacaabo Japan today oo ka soo baxa dalka Jabbaan ayaa khabiir u dhashay dalka Jabbaan ka soo xigtay suurtogalnimada in toonta loo sameeyo hab aanay ur samaynayn oo sida shaaha ama bunka loo cabbi karo. Khabiirkan ayaa sheegay in ay toontu marka habkan uu sheegay loo sameeyo ay noqonayso sida bun ama shaah aan keliya lahayn maaddadda Caffiene.
Khabiirkan lagu magacaabo Yokitomo Shimotai oo 74 sano jir ahi waxa uu wargeyska u sheegay in caafimaadka ay u fiican tahay in shaah toontan la cabbo habeenkii marka la sii seexanayo, waxa aanu caddeeyey in aanu sida bunka ama shaaha hurdo xumo keenayn, iyo in sida dad badani u qaadan karaan aanu keenayn wax ur aan la jeclaysan ah oo afka ku sii hadha, sababtuna ay dubista marka hore la dubo iyo karinta oo urta ka kaxaynaysa.