berberatoday.com
Somaliya oo Xagga Hore Ka gashay Dalalka Hawadooda Wasakhaysantahay
October 21, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaqoowga hawada ayaa faro kulul ku haya adduunka, waxaana lagu soo waramayaa in sagaal milyan oo qof ay u dhinteen sababo la xiriira arrintaas.

Inta badan dadkan waxa ay ku dhinteen dalalka daqligooda yaryahay ama meel dhexaad yahay, waxaana ugu daran dalalka Bangladesh iyo Soomaaliya.

getty images

Dalalka Brunei iyo Sweden ayay ugu yartahay dhibaatada iyo dhimashada ka dhalata wasaqowga hawada.

Dhimashada inta badan waxaa sababa xanuunada aanan caabuqa lahayn sida wadne xanuunka, shalalka, iyo waliba cansarka sansababa, kuwaas oo dhammaantood lala xiriiranayo wasaqowga hawada, sida lagu sheegay cilmi baaris lagu daabacay majaladda Lancet ee arrimaha seeyniska lagu falanqeeyo.

“Wasaqoowga hawada waa dhibaatada ugu badan ee haysata deegaanka, waana arrin sababaysa caafimaad daro soo wajahda dadka” ayaa lagu yiri cilmi barista oo uu qoray Prof Philip Landrigan oo ku sugan magaalada New York.

Wasaqoowga hawada waa dhibaatada ugu badan ee haysata deegaanka, waana arrin sababaysa caafimaad daro soo wajahda dadka
Prof Philip Landrigan, Cilmi Baare

Geerida ugu badan waxa ay ka dhalataa wasaqoowga hawada oo sababtay dhimashada 6.5 milyan oo qof.

Geerida labaad ee ugu badan ayaa waxa ay ka dhalataa wasaqoowga biyaha oo sababtay 1.8 milyan oo dhimasho.

Dr Penny Woods oo ka tirsan hay’adda sanbabada ee Britain ayaa yiri ” Sababta ugu weyn ee keenta in hawada ay wasaqoowdo ayaa ah isticmaalka baabuurta ku shaqaysa shidaalka, iyo noocyada kala duwan ee gaaska”. Wuxuu intaasi ku daray in arrintaas laga qaado xanuuno xagga sansabada ah oo saameeya dadka waaweyn iyo kuwa yaryarba.

Dalalka qaar oo ay UK ka mid tahay ayaa waxaa la qorsheynayaa in gabi ahaanba la joojiyo isticmaalka baabuurta ku shaqaysa shidaalka, loona wareego kuwa ku shaqeeya batariga iyo tamarta kale ee dabiiciga ah.

 

 

Bbc

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews