Kooxda al-Shabaab ayaa goor dhow sheegatay inay mas’uul ka ahayd qarax uu fuliyay qof is-miidamiye ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Afhayeenka howlgallada al-Shabaab,Sheekh Cabdicaziiz Abuu Muscab oo la hadlay idaacadda ku hadasha afka al-Shabaab ee Andalus ayaa xaqiijiyay inay weerarka fuliyeen xarakadda al-Shabaab.
Waxuu sheegay bartilmaamedka inuu ahaa xisaabiyaha wasaaradda maaliyadda gobolka Mudug,Saciid Cali Yusuf (Gadayare) oo qaraxa ku dhintay.
Illa siddeed ruux ayaa la xaqiijiyay qaraxa inay ku dhinteen,waxaa kalo jira dhaawacyo an tiradooda wali la soo gudbin.
Dowladda Puntland wali weerarkan wax war ah kama aysan soo saarin.