Kenyatta Oo Ku Guuleystay Doorashada Lagu Muransan Yahay Ee Kenya
November 1, 2017 - Written by Berbera Today
Nairobi(Berberatoday.com)-Guddiga doorashada ee Kenya ayaa ku dhawaaqay in Uhuru Kenyatta la doortay ka dib doorashadii ku celiska ahayd ee dhacday 26-kii bishan.
Uhuru Kenyatta ayaa helay 98.26 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, halka hogaamiyaha mucaaradka ee loolanka adag ku hayay uu helay 0.09 boqolkiiba. Laakiin Raila wuu qaadacay doorashada kamana qeybgalin.
uhuru kenyatta