|
berberatoday.com
Goob-joogeyaasha Caalamiga Ah Oo Ka Hadlay Diyaar-garowga Doorashada Madaxtooyada, Sheegayna In Go’aan-qaadashadu Door Ku Leedahay Wanaaggeeda
November 2, 2017 - Written by Berbera Today
“Doorashooyinka Maaha wax sahlan, ee waa wax ku xidhan Go’aannada laga gaadho, Somaliland-na…” Hoggaamiyaha Goob-joogeyaal ka imanaya 24 Dal
Hargeysa(Berberatoday.com)-Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa soo dhaweeyay Shan Xubnood oo Hor-dhac u ah Goob-joogeyaal Caalami ah oo ka socda 24 Dal, kuwaasi oo kormeeri doona qaabka ay dhacayso Doorashada Madaxtooyada Somaliland ee 13-ka bishan November, 2017-ka.
Shir-jaraa’id oo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Madaxda Goob-joogeyaasha Caalamiga ahi ku qabteen Hargeysa, ayaa waxay ku faahfaahiyeen Ujeeddada ay Dalka u yimaaddeen Goob-joogeyaasha Doorashada Madaxtooyada oo uu Dhaqaalahooda bixiyey Xafiiska Arrimaha Barwaaqo Sooranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo soo dhaweynaya Weftiga Goob-joogeyaasha Hor-dhaca u ah ayaa yidhi “Waxaanu soo dhaweynaynaa Goob-joogeyaasha Caalamiga ah oo ka qayb-gelaya Doorashada Madaxtooyada ee dhacaysa 13-ka bisha November, 2017-ka, kuwaasi oo kormeeri doono Goobaha (Cod-bixinta) ee Gobollada ama Degmooyinku siday u kala sareeyaan, Kooxdani waa kooxdii koowaad oo hor-dhac ah oo waxay yimaaddeen dhowr Maalmood ka hor, waana Kooxda u sii Gogol-xaadhaya Kooxda Labaad oo Dalka imanaya 8-da bisha November, waxayna 10-ka u bixi doonaan Gobollada Dalka, iyagoo Goob-joogeyaal ka noqonaya Doorashada.”
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay “Goob-joogeyaashan Dhaqaalaha ku baxaya waxa bixiyey Ingiriiska, waana Goob-joogeyaal aanu soo dhaweynayno inay nagala qayb-galaan Doorashada, waxaana inoo iman doona Lixdan Xubnood.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Goob-joogeyaashu waxay ka socdaan 24 Dal, taasina waxay Caddaynaysaa in Doorashada Somaliland loo han-weyn yahay, waxaana la eegayaa siday u dhacayso Doorashadu.”
Micheal Wolth oo Hoggaamiyaha Goob-joogeyaasha Caalamiga ah, ayaa isaguna Shirka jaraa’id ka sheegay in Doorkoodu yahay inay ka markhaati ka noqdaan siday u dhacdo Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo loo dareeri doono 13-ka bishan November, waxaanu yidhi “Doorashooyinka Maaha wax sahlan, ee wax ku xidhan Go’aannada laga gaadho, Somaliland-na hadda waxay gaadhi Xaalad Doorasho oo Dabcan noqonaysa Xaalad Kala-guur ah.”
Mr. Micheal waxa kale oo uu sheegay “llaa hadda sidii loogu talo-galay ayay u socdaan Doorashadan, Doorashaduna waa Qof guuleystay iyo Qof laga guuleystay, Qofka laga guuleystayna Murugu ayuu dareemaa inta badan, laakiin Annaga doorkayagu waa inaanu War-bixin ka gudbino sida Doorashadu u dhacday, Cidda guuleysatay iyo Cidda laga guuleystay.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay kulamo si gaar-gaar ah ula yeelanayaan Dadka ay khusayso Doorashadu.
Berberatoday.com
COMMENTS
|