Wefti Kasocda Shirkada DP World Iyo Dawlada Isutaga Imiraatka Carabta Oo Axada Dalka Imanaya Iyo Dhulkii Free Zoneka Deked Berbera Oo Xukumadu Iibinayso+Xiliga Lagu Jiro Oo Xasaasiya
November 3, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar Xogogaal ah oo ay helayaan Warbaahinta Madaxa Banaan ee Somaliland ayaa sheegaya in maalinta Axada ee bishu tahay 05/11/2-17 ay dalka Imanayaan Wefti baladhan oo kasocda shirkada DP World iyo Dawlada Isutaga Imiraatka Carab kuwaas oo kasoo dagi doona Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal.
Weftiga ayaa Ujeedada socdaalkoodu la xidhiidha Saxeexa dhul Free Zoneka ah oo la siin doono shirkada DP World ee Dekeda Berbera Maamusha iyada oo Qoyska Madaxtooyada oo uu hogaaminayo Wiilka Madaxweyne Siilanyo Sodoga Uyahay ee Baashe Morgana Taas Bedelkeeda uu shirkada DP World Qoys ahaan iyaga oo Xukumada Matalaya ka shuban doonaan lacag malaayiin Dollar ah oo lagu iibinayo dhulkaas Fee Zoneka ah oo cabir ahaan dhan 14KM oo isku weera ama dhinac walba ah.dhulkaas oo ka bilaami doonka Kaantaroolka Galbeed ee Berbera duleedkiisa halkaas oo dhulalka kuyaala oo dhan dad shacab ahi leeyihiin sharciyana Uhaystaan hase yeeshee La damacsan yahay in awood iyo amar Madaxtooyada kasoo bixi doona in lagu muquuniyo.