berberatoday.com
Xukumada Siilanyo Musharax Muuse Biixi Miyay Dhisaysaa Mise Hagardaamo Ayay Ku Haysaa?
November 4, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Iyada oo Lagu Jiro Wakhti Xasaasiya oo xifiltan iyo tartan xoogani ka dhexeeyo Labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ayaa waxa jirta in Xukumada madaxweyne Siilanyo iyo Qoyskiisu hagar daamo la daba socdaan Musharax Muuse Biixi Cabdi iyaga oo xiligan damacsan inay dalka keenaan Wefti balaadhan oo ka socda shirkada DP World ee Dekeda Berbera Maamulkeeda laga kireeyay.

weftiga ayaa waxa ay usocdaan sidii ay Xukumada wakhtigeeda maalmaha koobani ka hadheen ee Madaxweyne Siilanyo uga saxeexan lahaayeen dhul lagu sheegay inuu Yahay Free Zone oo shirkada DP World yeelan doonto lacaga malaayiin Dollar ahna ku bixin doonto.

Dhulka Free Zoneka lagu sheegay oo ka bilaami doona Kaantaroolka Galbeed ee Berbera duleedkiisa ahna dhul cabirkiisu noqon doono 14KM Isku weera ama dhinac walba ah dhulkaas oo gabi ahaantiiba dad shacab ahi leeyihiin sharciyana uhaystaan ayaa Xukumada Iyo Qoyska Madaxtooyadu damacsan yihiin inay qaab muquunina oo awood Ciidan ah kaga qaadaan dadkaas leh islamarkaana lacag malaayiin Dollar ah kaga qaataan Shirka DP World ee Dekeda Berbera Maamulkeeda laga kireeyay.

Qorayaashii hore hantida qaranka loogu boobay iyo tan maanta la doonayo in dhulka cabirkiisu 14KM ah lagu sii iibiyaba ayaa waxa wata Wiilka Madaxweyne Siilanyo Sodoga Uyahay ee Baashe Morgan oo ah shaqsi xoolaha umada ku mabay oo aan wax xishoodana aan aqoon haba yaraatee,

Markay sidaas tahay wakhtuga lagu jiraana yahay mid xasaasiya oo tartan boqnaha lays jarayaana udhexeeyo Xisbiyada Kulmiye iyo waddani horena ay ujireen waxyaabo badan oo qaloocan oo Xukumadu ku kacday mudadii ay xilka haysay miyaan la odhan karinXukumada Madaxweyne Siilanyo Musharax Muuse Biixi Cabdi ma dhiseysee hagar daamo iyo  boqno goyn ayay la daba socotaa waxaana taas cadaynaysa dhaqdhaqaaqa aduun urursiga ah ee Xiligan kala guurka ah ay sameynayaan Qoyska Madaxweyne Siilanyo iyo Wiilka uu Sodoga Uyahay ee Baashe Morgan.

  

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews