Halkudhegyo Cibaaro Iyo Xikmad Ku Kordhin Kara Isfahamka Ragga Iyo Haweenka Iyo Guud Ahaan Nolosha
November 6, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ninka gabadh qurux badan jeclaada fannaan ayaa ay ka dhigtaa (Jacaylkeeda heesaha uu u qaadayo), ninka gurusadana shaqaale weyn ayaa ay ka dhigtaa.
– Malo-awaal ayaad ku nooshahay haddii aad ismoodsiiso in furaha aad gurigaaga ku xidhay aanay jirin cid kale oo kula haysataa.
– Gabadhu guurka waxa ay u taqaannaa in uu yahay bar-dhammaadka geeddiga nolosheeda, laakiin ninku waxa uu u arkaa in uu yahay mid ka mid ah meelaha geeddiga noloshu ku yara hakado, kadibna uu sii ambaqaado.
– Ninku waxa uu gurigiisa ula dhaqmaa sida in uu yahay ruux deggen guriga, laakiin gabadhu waxa ay jeceshay in uu qiro in uu gurigiisii nolosha oo dhan yahay.