Xisbiga KULMIYE Oo Wacdaro Aan Hore Loo Arag Ku Soo Bandhigay Magaalada Ceerigaabo Maalinta Lixaad Ee Ololihiisa+Daawo Sawirada
November 6, 2017 - Written by Berbera Today
Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa wacdaro aan hore loo arag oo ka turjumaya baaxadda taageerayaashaashiisa Gobolka Sanaag ku soo bandhigay magaalada Ceerigaabo maalinta lixaad ee ololihiisa oo uu xisbigu isu-soo-baxyo waawayn ka sameeyey guud ahaan dalka maanta.
Kumanaan ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, ayaa isu-soo-bax aad u ballaadhan oo indho-daraaran iyo khalkhal ku riday xisbiyada mucaaradka sameeyey maanta, kuwaas oo socod ku maray jidadka magaalada iyagoo lulayey astaamaha xisbiga, halka qaybo ka mid ahna jidhkooda ku soo xardhay astaanta calanka KULMYE, kadibna markii dambe isugu yimi fagaaraha caanka ah ee beerta Xorriyadda ee Nuura, halkaas oo ay kala qaybgaleen Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, xubno wasiirro ah, xildhibaanno, Guddida ololaha KULMIYE ee gobolka Sanaag iyo maamulka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan gobolka oo ay kala hadleen masuuliyiinta xisbiga iyo kuwa xukuumadduba oo u mahadnaqay shacabka reer Ceerigaabo, isla markaana ku bogaadiyey wacdaraha ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan KULMIYE.
Xubno miisaan ku leh bulshada Gobolka Sanaag oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Guddida Ololaha KULMIYE ee Gobolka iyo ku-xigeenkiisa Md. Xildhibaan Ibraahim Carrale Ruush iyo Cali Baashe, Wasiirrada Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Gaashaandhigga – Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Axmed Xaaji Daahir Cadami, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga Md. Maxamuud Warsame, xildhibaanno ay ka mid yihiin Saleebaan Cawad Cige (Bukhaari), Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, Cali Barre, Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), Dr. Carabayte, madax-dhaqameed, salaadiin, siyaasiyiin iyo cuqaal, ayaa madasha hadallo kala duwan ka jeedisay, waxaanay ku dheeraadeen horumarka xukuumadda KULMIYE gaadhsiisay gobolka Sanaag oo ay ugu muhiimsanyihiin waddada Ceerigaabo iyo boqolaal mashruuc oo kale oo midho-dhal noqday.