berberatoday.com
Laanta Afka Somaliga Ee BBC-da Oo Dood Uqabatay Saddexda Musharax Ee Utartamaya Madaxtinimadda Somaliland Ee 2017-ka
November 10, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Laanta Af-ka Somaliga ee BBC Somali ayaa Idaacaddii shanta galabnimo ee manta oo Khamiis ah taariikhduna ay tahay 9/11/2017 u  qabatay  musharaxiinta saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Faysal Cali Waraabe iyo C/raxmaan Cirro ee u Tartamaya Doorashada madaxtinimada Somaliland 2017.

Doodan oo ahayd tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee Laanta Afka Somaligu siiso Somaliland ayaa waxa daadihinayey wariye Faarax Lamaane oo ka tirsan Laantaasi, waxaanu isku soo dubariday Wariye Axmed Siciid Cige oo ah wakiilka Somaliland u fadhiya BBC-da.

Doodan oo ay saddexa Musharax ba si fiican uga dhiibtay aragtidooda ku waajahan sida ay Dalka u maamuli doonaan kolba kooda ku Guulaysta ayaa ahayd mid xiisa badnayd oo sadexda Musharax ba mararka qaarkood waxyaabo badan ku kala aragti duwanaayeen waxna isaga mid ahaayeen.

Waxa Doodan si toos ah u tabinayey Telefishanda HCTV iyo SBC oo ay wadashaqeeyaan Telefishanka ay Laanta BBC doonayso inay sameeyaan kaasoo barnaamijyadda loogu talogalay ay si ku meel gaadh u sii daayaan.

Doodan oo lagu qabtay Hotel Maansoor waxa   Hoolka lagu qabanayey loo diyaariyey qaab adag, waxaana loo ogolaa oo kaliya saddexa Musharax ee ka qayb qaadanayey, iyadoo si toos ah loogala socda Idaacadda BBC-da iyo labada Telefishan.

Su’aalaha la weydiiyey saddexda musharax ayaa ku qotomay sida ay wax uga qaban doonaan musuqmaasuqa, Ictiraaf raadinta, Maamul Wanaaga, shaqo la’aanta, tahriibka, Xidhiidhka dalalka jaarka ah, iyo Heshiisyada caalamiga ah ee Dekeda iyo Madaarka Berbera.

https://youtu.be/LtKh0JlzSmU?t=765

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews