Siilaanyo Oo Faysal Cali Waraabe U Xilsaaray Hogaaminta Wadahadaladii Somaliland Iyo Somalia Iyo Axmed Ismaaciil Samatar Iyo Maxamed Cabdillahi Cumar Oo Iska Casilay Xubunimadii Gudidii Ictiraaf Raadiska
Hase-yeeshee, sida lagu baahiyey qaar kamid ah, shabakadda Warar ee Haatuf.net ayaa tilmaamay in laba xubnood ee guddidaa iska casilay ay kala yihiin Pro Axmed Ismaacil Samatar iyo wasiirkii hore ee Ganacsiga Dr. Maxamed Cabdilahi Cumar, waxana warar Mareegtu faafisay intaa ku dareen in iscasilaada laba xubnood salka ku hayso magacaabista Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, oo sida baruhu wararkooda ku iftiimiyeen ay isku qaban weyday magacaabista Faysal iyo hawsha guddida iyo natiijada laga rabbo. Waxa kaloo shabakaddu warka amuurtan la xidhiidha ku xuseen in laba xubnood ee xilka ka tagay u arkaan Gudoomiyaha xisbiga Ucid Nin aan hanan karin masuuliyadda dusha loo saaray, isla markaana hawlaha noocan oo kala ahi ay u baahan tahay hawl kar aqoonteeda.