Millater La Wareegay Zimbabwe Iyo Madaxweynaha Iyo Xaaskiisa Oo Xabsi Ku Jira
November 16, 2017 - Written by Berbera Today
Herera(Berberatoday.com)-Saraakiisha Milliteri ee Zimbabwe la wareegay Talada Dalkaasi ayaa shaaciyay inay su’aalo waydiinayaan Madaxweynaha dalkaasi Robert Mugabe iyo Xaaskiisa Gareesa Mugaabe.
Afhayeen u hadlay Milliteriga la wareegay Talada dalkaasi ayaa sheegay inay Madaxweynaha iyo Xaakiisa ku hayaan meel Ammaan ah, isla markaana ay baadhitaano ku hayaan.
Ma kala cadda halka lagu hayo Madaxweyne Mugaabe oo 93-jir ah iyo Xaaskiisa, inkastoo ay Milliteriga sheegeen inay ballan qaadeen Ammaankooda.
