berberatoday.com
“Ma jiraan Waraaqo Foojari Ah Oo Lagu Codeeyey, Cidii Haysana Iyagaa Laga rabaa Halkay Ka Keeneen”Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland
November 17, 2017 - Written by Berbera Today

Guddida Doorashada oo jawaab deg deg ah ka bixiyey Eedeymo Mucaaridku jeediyey, sheegayna inay dacwad la tiigsanayaan cidii been abuurka samaysay…Daawo

Afar kamid ah Guddida Doorashada oo hadda hadlay

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddida Doorashooyinka Qaranka, ayaa ka jawaabay eeddeymo xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI u jeediyey oo la xidhiidhay inay ka shaki saari waayeen waraaqo lagu codeeyey Gobolka Gabiley iyo goobo kamid ah Degmooyinka Hargeysa.

“Dacwad ayaanu ka qabnaa oo kaga hadhi mayno cidii keentay Waraaqaha beenta ah ee Telefishanada laga baahiyey. Waxaanu leenahay waxba kama jiraan waraaqahaas, cidii keentayna waxay ceeb u gaysteen Qaranka Somaliland iyo Doorashada” sidaas ayuu yidhi Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo goordhaweyd Warbaahinta kula hadlay Xafiiska Guddida ee Hargeysa “ Xisbiyada waxaanu u sheegaynaa inaanu mar walba diyaar u nahay cabashooda iyo la-tashigooda, albaabkayaguna wuu idiin furan yahay mar walba” ayuu raaciyey.

Murrashaxa Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in Xisbigiisu hakiyey la-shaqeyntii Guddida, kaddib markii jawaab laga siin waayey cabashooyin ay gudbiyeen.

Guddida ayaa sheegtay in sanaaduuqdii codbixinta badankoodii soo xeroodeen, xubnihii Guddida ee Gobolada joogayna ugu dambeyn beri soo wada gelayaan caasimada, qaarkoodna ay maanta yimaadeen.

Inkastoo la filayey in natiijada Doorashada lagu dbawaaqi doono maalinta Jimcaha ee Bari, haddana waxa ay Guddidu sheegeen inay shacbigu isdejiyaan oo aanay ku jahawareerin warar aan jirin.

Intii aanay Guddidu hadlin taageerayaasha Xisbiga WADDANI, ayaa mudaharaad rabshad wata ka sameeyey qaybo kamid ah Magaalada Burco.

Guddida ayaa ku baaqday inaan nabad-gelyada iyo xasilloonida meel lagaga dhicin, qas iyo dhibaatona aanay shacbigu ku kicin.

Halkan ka hoose ka Daawo:

 

Doorashada Isniintii dhacday, ayaa lagu qiimeeyey middii ugu wanaagsanayd ee ka dhacday Afrika, iyadoo waxyaabaha aadka loogu amaanay ay kamid tahay sida looga ilaaliyey farsamo kasta oo wax is-daba marin lagu sameyn karo, ama ku shubasho iyo laba jeer codeyn.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews