Saamayn Intee La’eg Ayuu Shiinaha Ku Leeyahay Afganbiga Dalka Zimbabwe?
November 20, 2017 - Written by Berbera Today
China(Berberatoday.com)-Safar uu dhawaan dalka Shiinaha ku tagay taliyaha militariga Zimbabwe ayaa ahaa mid iska caadi ah oo lagu xoojinayay xidhiidhka xagga ciidammada ee labada dal, sidaasi waxaa sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha kadib afgambigii Harare ka dhacay wiigan horaantiisii.
Taliyaha Jeneraal Constantino Chiwenge ayaa Shiinaha booqday maalmo uun ka hor intii uusan dhicin afgambiga.
