Maxkamadda Ugu Sarreysa Kenya Oo Ayiday Guushii Kenyatta
November 21, 2017 - Written by Berbera Today
Nairobi(Berberatoday.com)-Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa tuurtay dacwad ka dhan ahayd dib u soo doorashada madaxweyne Uhuru Kenyatta bishii la soo dhaafay.
Lixda garsoore ee dhageysanayay dacwaddan ayaa isku raacay ansixinta guusha Kenyatta iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay.
Guddoomiyaha garsoorayaasha David Maraga ayaa sheegay in garsoorayaasha ay 21 bari guduhood ku bixin doonaan faahfaahin ku aadan sababta ay u ansixiyeen guusha Kenyatta.