Hussein Wadadyare Iyo Jaaliyada Somaliland Ee Dalka Sweden Oo Hambalyo Usoo diray Shacab Weynaha Somaliland
November 22, 2017 - Written by Berbera Today
Hanbalyo
dhamaan shacabka Somaliland ee ku dhaqan dalkan Sweden waxa ay hanbalyo kal iyo laab ah u dirayaan Madaxweynaha Cusub ee Somaliland mudane Muse Bixii Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka mudane Abdiraxman Abdillahi Ismaciil saylaci, waxa aanu hanbalyadaas oo kale u diraynaa Mudane Abdirahman Mohamed Abdillahi Ciro iyo Faysal cali Hussein iyo kuxigeenadooda oo ku qancay natiijada doorashada, taas oo ay u muujiyeen cadawga Somaliland in dadka Somaliland ay yihiin Ul iyo Diirkeed. Waxa kale oo aanu hanbalyo u diraynaa guddida doorashooyinka Somaliland oo muujiyey masuuliyad wayn. waxa kale aanu halkan halbalyo uga diraynaa shacabka Somaliland meel kasta oo ay kala joogaan, waxa guusha helay qaranka Somaliland oo dhan , caalamkuna wuu inoo qiray. Ugu danbayntii waxa aanu hanbalyo aan lasoo koobi karin hawada u marinaynaa madaxweynaha hadda xilka ka degaya oo isaga oo xaq u leh in uu u tartamo mar labaad u haneeyay in saaxiibadiisii lasoo halgamay u baneeyo kursiga taas oo dhif iyo naadir ka ah qaaradan afrika Mudane Ahmed Mahamed Mahamoud Siilaanyo waxa uu kaga qormayaa qaarada Afrika baal dahab ah.