|
berberatoday.com
Weerar Lagu Qaaday Masaajid Ku Yaalla Masar, Dhimashada Oo 235 Ruux Maraysa Iyo Tirada Dhaawaca
November 25, 2017 - Written by Berbera Today
Sinai(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 235 Qof, ayaa lagu dilay Masaajid ku yaalla magaalada Bir al-Abed oo ka tirsan gobolka Sinai ee Waqooyiga dalka Masar Jimcihii Maanta, 120 Ruux oo kalena way ku dhaawacmeen Weerarkaas Masaajidka lagu qaaday, Sida ay Warbaahinta dawladda Masar ku warrantay.
Dad looga shakisan yahay in ay Malleeshiyo yihiin, ayaa weerar Bam iyo Rasaas kale loo adeegsaday ku qaaday Masaajid ku yaalla gobolka Waqooyiga Sinai ee dalka Masar, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee dawladda Masar.
Dad goob-joogeyaal ah ayaa warbaahinta Masar u sheegay in ay arrintani ka dhacday magaalada Bir al-Abed ee u dhaw al-Arish ayna dhacday intii lagu gudo jiray Salaadda Jimcaha, waxaanay Warbaahinta dawladda Masar baahisay inay weerarkaas ku dhinteen ugu yaraan 235 Ruux, halka ay 120 Qof oo kalena ku dhaawacmeen.
Ciidammada Booliiska ee deegaanka, ayaa sheegay in ay rag rasaas ku fureen dad cibaadaysanaya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP. Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo diin u dagaalamaya oo gobolkaas ku sugan, kuwaas oo weerarradooda sare u sii qaaday tan iyo 2013kii.
Dad lagu qiyaasay 80 kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaas, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaaku. Mid ka mid ah wararka halkaas laga helayo waxay sheegayaan in bartilmaameedku uu ahaa taageerayaasha laamaha ammaanka ee dawladda oo masaajidka ku tukanayay.
Madaxweyne Cabdul Fattax Al Sisi, ayaa la kulmi doona laamaha ammaanka si uu dhacdadan ugala hadlo, sida uu ku warramay Telefishinka gaar loo leeyahay oo Masar ka hawlgala oo lagu magacaabo Extra News TV. Illaa iyo hadda lama oga cidda masuulka ka ah weerarkan Jimcaha
Berberatoday.com
COMMENTS
|