Wargeyskii Dawlada Ee Dawan Iyo Askariga Yar Ee Haysta Ee Sayid Oo Durbaba Bilaabay Dacaayado Ay Ka Fidinayaan Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyo Cida Ka Danbaysa W/Q Yuusuf Xasan Warsame(Heebaan)
November 25, 2017 - Written by Berbera Today
Maxamed Cismaan Mire(Sayid)oo ah Gudoomiyaha wargeyska dawlada ee dawan ayaa utafaxatay durbaba inuu dacaayado raqiisa ka fidiyo Madaxweynaha cusub ee shacabka Somaliland Codka aqlabiyada ah ku doorteen Mudane Muuse Biixi isaga oo warbixin aan sal iyo raadtoona lahayn oo been abuura oo wiilka Madaxweyne Siilanyo Sodoga uyahay ee Baashe Morgan uu usoo dhiibay kusoo daabacay wargeyska Dawlada ee Dawan kusoo daabacay cadadkiisii saaka 25,11,2017 iyada oo wargeyska dawalada ee Dawan warbixintiisa been abuurka ah ee uu Madaxweynaha cusub mucaaradad iyo dagaalka uu ku furayo u adeegsaday inuu kasoo xigtay majalad uu magaceeda ku sheegay The National oo uu sheegay inay faaqido arrimaha khaliijka carabta iyo bariga dhexe, sidoo kalena uu sheegay inuu warbixin la xidhiidha Madaxweynaha cusub uu siiyay Proff. Axmed Ismaaciil Samatar.