Hay’adda Maamul Wanaaga Iyo La Dagaalanka Musuq Maasuqa Oo Soo Saartay Amar Cusub. H
November 28, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Axmed Jaamac Maxamuud ayaa ku baaqay in musuq maasuqa laga ilaaliyo hantida dawlada mudadi lagu jiro kala guurka labada xukuumadood.
Gudoomiye Axmed Jaamac Maxamuud ayaa sheegay inay sameeyaan nidaam lagu kaydiyo hantida dawlada waxaanu yidhi “Waxa iman doona wasiiro cusub oo uu magacaabayo madaxweynaha la doortay, hay’adduna mudadii aan hogaanka u hayey waxaanu samaynay xog lagu kaydiyo hantida guurtada ah iyo ta ma guurtada ah, waana xog sugan oo wasaarad kasta, hay’ad kasta iyo dawladaha hoose ku dhan yihiin.”ayuu yidhi gudoomiye Axmed Jaamac Maxamuud oo u waramay qaar ka mid ah warbaahinta.