“Xadhigaygii Waxa Uu Ka Bilaabmay Kuna Dhamaaday Wasiir Mohamud Hashi Iyo Taliye Fadal Iyo Intii Muse Hore Umiinayn Jiray. Waxana Uu Ahaa Qorshe Lagu Abuurayay Dagaal Sokeeye Oo Dhexmara Beelaha Muse Iyo Ciro”Maxamed Yasin Xasan
November 28, 2017 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Maxamed Yasin Xasan oo hore uga soo mid ahaa wasiirada xukumada Madaxweyne Siilanyo xiligii la doortay kuna jiray golihii wasiirada ee xiligaas la magacaabay mudo koobana ahaa wasiirk kaluumaysiga,Khayraadka Bada Iyo Dekedaha hadana kamida Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani dhawaan xabsiga loo taxaabay isaga oo lagu eedeeyay inuu Gacantiisa Kusoo bandhigay buugii laga xaday komishinka doorashooyinka mudo maalmo kobanoo uu xidhnana xabsiga laga sii daayay ayaa maanta markii uu gaadhay Magaalada London ee cariga Ingiriiska oo uu daganyahay islamarkiiba bartiisa facebooka soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo xadhigii lagula kacay iyo cidii ka danbaysay isaga oo sheegay in xadhigaas lagula kacay uu ka danbeyay wasiirka Madaxtooyada somaliland ee Xukumada wakhtigeedu dhamaaday Maxamud Xaashi Cabdi isaga oo xusay inuu xadhigaasna u adeegsaday Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland cabdillahi Fadal Iimaan.
Waxa aan si nabad ah ku imi London saaka subaxnimadii.
Raggii iyo Dumarkii i taageeray intii aan xidhnaa si gaar ah ayaan ugu mahad celinayaa.
Xadhigaygii waxa ka danbeeyay Wasiirka Madaxtooyada Mohamud Hashi oo adeegsanaya Gen.Fadal, Taliyaha
Ciidanka Boliska.
Waxa aan cadaynayaa in aan Komishanka, Xeer Ilaalin, Maxkamad iyo Qof kale oo Somalilander ahi ku lug lahayn xadhigayga.
Waxa uu ka bilaabmay kuna dhamaaday Mohamud Hashi iyo Fadal iyo Intii Muse hore u miinayn jiray.
Waxana uu ahaa qorshe lagu abuurayay dagaal sokeeye oo dhexmara Beelaha Muse iyo Ciro.
Markaa kadib na Saleeban Gaal wadanka loo dhiibo si Kursiga loogu sii fadhiyo.
Afgembigaasi wuu fashilmay, waxana fashiliyay waxgardka labada Beelood iyo Safiirada EU iyo USA, oo ah Wadamada daneeya Somaliland.
Warkii dhabta ahaa ee arrintan iyo Dalka dhowaan baan TV yada soo dhigayaa ee la socda.