Meydka todobo qof oo Soomaali ah oo ay ku jiraan seddax caruur ah iyo hooyadood ayaa laga helay xeebta Karfa Sheikh ee dalka Masar, kuwaasi oo u tahriibayay dalka Talyaaniga.
Cairo(Berberatoday.com)-Hooyadaan iyo seddaxda caruurta ay dhashay ayaa lagu magacaabi jiray Cadar Xasan Cadaawe, halka caruurtana ay kala yihiin, Abuukar C/kariin oo seddax bil kaliya jiray, Anfac Cabdikariin oo sanad iyo badh jiray iyo Anwar oo todobo sano jiray ah.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada amniga qabteen 105 qof oo 74 ka mid ahaayeen Soomaali, kuwaasi doonayay inay si sharci daro ugu gudbaan xeebaha dalka Talyaaniga waxaana howlgalkaasi lagu qabqabtay Soomaalida ku dhaawacmay Shan qof oo Soomaali ah.
Sidoo kale, dad Soomaaliyeed oo tiradooda lagu sheegay 200 qof in ciidamada amniga gacnta ku dhigeen, kuwaasi oo lagu haayay beer ku taal Baltiin, halkaasi oo kooxaha dadka tahriibiya doon ka saari rabeen.
Xeebaha dalka Masar ayaa mudooyinkii u danbeeyay tahriibayaasha Soomaalida u badan ay ku qulqulayeen si ay ugu sii gudbaan xeebaha dalka Talyaaniga.