Fadeexad Ka Taagan Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland + Shaqaale Hoosaadkii Wasaaradda Iyo Agaasimaha Guud Oo Isku Haysta Lacag Baanka Dhexe Taala
December 4, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeys(Berberatoday.com)-Dhacdo cajiib ah ayaa maalmihii u danbeeyey ka taagnayd wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland,taas oo ka dib markii uu Baanka dhexe ee Somaliland ku wargeliyey masuuliyiinta xafiisyada xidhiidhada ciyaaraha kala duwan ee wasaaraddda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland oo lacag mushahar 9 bilood ah u doontay baanka dhexe ee Somaliland loo sheegay in laga jarayo lacag dayn ah oo uu Baanka ku leeyahay wasaaradda,taas oo sida ay sheegeen ay kasii amaahdeen masuuliyiinta ugu saraysa wasaaradda Ciyaaruhu .
