Taliyaha Ciidamada Dabdamiska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Sawaxili Oo Kawar Bixiyay Dabkii Qabsaday Guriga Wasiir Maxamud Xaashi Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
December 4, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa Maanta Dab ka kacay Guriga uu Magaalada Hargeysa ka deggan yahay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.
Dabkan oo lagu war helay Abbaaro 12-kii Duhurnimo ee Maanta ayaa bakhtiyey Ciidammada Dab-damiska ee Magaalada Hargeysa oo markii lagu war-geliyeyba gaadhay.
Gurigan oo ku yaalla Xaafadda State House-ka isla-markaana ka kooban 11 Qof (Maqsin), ayaa Dabka qabsaday wuxuu ka bilaabmay Qolka fadhiga, waxaanu u gudbay Qolka Hurdada ama Jiifka, laakiin wax khasaare nafeed ah kama dhalanin, marka laga reebo Khasaare soo gaadhay Alaabtii Guriga Taallay sida uu sheegay Taliyaha Ciidammada Dab-damiska ee Somaliland Axmed Maxamed Sawaaxili oo Warbaahinta la hadlay “ILAAHAY Mahaddii Dabkii Maanta kacay, 11-kii maqsin Qolkii fadhiga ee uu Dabku ka kacay mooyaane, intii kale iyo Hantidii taallayba waanu badbaadinay.” Ayuu yidhi, Taliyaha Ciidammada Dab-demiska Somaliland, isagoo intaa ku daray in wixii Sababay Dabka ay Ciidammada Booliisku baadhayaan.