Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Digay In Tirada Wasiirrada Oo Koobnaadaa Ay Sababi Karto Mucaaradad Aanu Muuse Ka Dabaalan Karin
December 5, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxwayne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay sida uu u arko wadahadalka Somaliland iyo Somalia ee Muuse Biixi dib u bilaabayo, arrimo la xidhiidha dhisidda dawlad kooban iyo qodobo kale.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo haatan ka mid ah odayaasha Somaliland ayaa mar uu waraysi siinayay telefishanka HCTV waxa u walaac ka muujiyey in wax midho ahi ka soo baxaan wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Somalia, waxaana uu ku sababeeyey inaanu jirin madaxwayne iyo baarlamaanka haysta kalsoonida shacabka Somalia kaasoo ku dhiirran kara inuu wajaho xaqiiqda wadahadalka.