Daawo Muuqalka”Tariikh Nololeedii Fanka Iyo Waxay Usoo Joogtay Fanaanadii Marxuumad Shamis Abokor Ismaaciil(Guduudo Carwo)Alle Ha Unaxariisto
December 8, 2017 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Shamis Abuukar ayaa ku dhalatay deegaan xeebeedka Conqor oo dhanka bari kaga beegan Magaalada Berbera sanadkii 1935, Waxanay kusoo kortay Magaalada Berbera sanadihii hore nolosheeda waxaanay Fanka ku soo biirtay taariikhdu markey aheyd 1952kii oo markii ugu horeysay codkeeda laga maqlay Radio Hargeysa.
Xilligii ay Guduudo Carwo billowday in ay heesto, dumarka kumaysan dhiiran jirin fanka iyo ka hadalka idaacadaha.
Doorka Dumarka ee Ruwaayadihii xilligaa iyo Heesaha waxaa matali jiray rag, ka hor inta aysan Shamis Abokar billaabin heesaha, maadaama dumarka aan lagu aqoon heesaha, taasi waxay sababtay in sannadihii ugu horeeyay la qariyo magaceedii, waxaana loo bixiyay Guduudo Carwo.