HRC: War-bixin Sannad Leh Oo Ku Talisay In Booliiska Somaliland Loo Sameeyo Hannaan Lagula Xisaabtami Karo
December 12, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xarunta Madaxa-bannaan ee Xuquuqal Insaanka Somaliland, ayaa soo saartay warbixinteeda sanadlaha ah oo ay sanadkan kaga warramayso xaaladda xuquuqul insaanka ee Somaliland.
Warbixintan oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Guuleed Axmed Jaamac ayaa sanadkan si qotto dheer uga hadlaysa Booliska.
Warbixintan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Himilo, ayaa waxa lagu bilaabay sidan, “Sanad kasta 9ka December, maalin ka hor Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka, waxa Xarunta Xuquuqal Insaanku ay soo saartaa warbixin sanad leh ah oo ay kaga hadlayso xaaladda xuquuqda aadanaha ee sanadkaas.