“Anigu Dalka Umaan Iman Inaan Wasiir Ka Noqdo,”Marnaba Taladda Iigumay Jirin Inaan Taageerada Aan Muuse Biixi Siiyay Inaan Wasiir Ku Doonto”Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Hadlay Warar Laysla Dhexmaraayay
December 15, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa ka fal celiyay hadal haynta bulshada ee la xidhiidha inuu kamid noqon waayay golaha wasiirada ee xukumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi soo dhisay waxaanu sheegay Aqoonyahan Jamaal cali Xuseen in aanay marnaba qorshihiisa ku jirin inuu kamid noqdo Xukumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi islamrkaana aanu ula soo shaqaynin Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Xiligii doorashada iyo xiligii ka horeeyayba inuu Mansab siyaasi ku abaal mariyo.