Hadal Haynta Ugu Badan Ee Warbaahinta Caalamka”Wiil Curyaan Falastiini Ah Oo Saaxiibadii Ka Dalabaday Inay Jiida Hore Ee Dagaalka Geeyaan Kuna Shahiiday Halkaas
December 18, 2017 - Written by Berbera Today
Hadal haynta ugu badan ee warbaahinta reer Falastiin ayaa waxa ay tahay Al shahiid Ibrahim Abu saraya

Qasa(Berberatoday.com)-Ibrahim waxa uu ahaa muwaadin reer Falastiin ah oo 29 jir ah,kana mid ah dhalinyarada Marinka Qaza kaas oo curyaan ahaa
Waxana uu asxaabtiisa u sheegay in uusan guriga ku sugnaanayn iyada oo saaxiibadiis kale ay jihaad kula jiraan Yuhuuda isla markaasna ay wadaan kacdoonka aykaga soo horjeedaan go’aanka madaxweyne Trump ee Qudus.
Waxana uu saaxiibadiis ka codsaday in ay u qaadaan jiida hore ee dagaalka si Eebe ugu irsaaqo shahiidnimo isaga oo difaacaya Qudus.
Hadaba Ibrahim Abu saraya ayaa waxaa shalay Jimcadii lagu dhex arkayay isaga oo jiida hore ku sugan isla markana ku dhiiri gelinaya dhalin yarada FALASTIINIYIINTA in ay cadowga Yuhuuda iska difaacaan,balse mid ka mid ah ciidamada Yuhuuda ayaa si gaar ah shiishka u la raadsaday Ibrahim Abu saraya kaas oo isla markiiba goobta ku shahiiday.
Waxana sawirka kowaad ka muuqda Ibrahim oo keligiiis u sii gur guuranaya jiida hore ee dagaalka.
Waxana Saaka aaskiisa si toos ah u baahinaysay Aljazeera Mubashir ,iyo warbaahinta reer Falastiin
Waxana Eebe ka baryaynaa inuu ka aqbalo shahiidnimasa kuna daro safka Shuhadada


Faisal Gelle Omar.
Amiin Amiin