“Madaxweynaha Ayaanu Kala Xisaabtamaynaa Wixii Golihiisa Wasiirrada Ka Gaabis Noqdo…..”Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleeban Maxamud Aadan
December 21, 2017 - Written by Berbera Today
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Markii U Horreysay ka hadlay Waxyaabaha laga doonayo Madaxweynaha Cusub
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay inay Madaxweynaha cusub ee Somaliland ka doonayaan inuu Qaranka ku hoggaamiyo Midnimo iyo Caddaalad.
Guddoomiyaha Guurtida oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale ka hadlay Warar la xidhiidha Wasiirro ka mid ahaa Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo, kuwaasi oo lagu eedeeyay in qaarkood lagu qabtay Gaadiid Dawladdu leedahay oo ay doonayeen inay la baxsadaan.