Madaxweyne Siilanyo Oo Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Saaxil Usoo Magacaabay Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (Indho-balac)
April 4, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland ayaa Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Saaxil umagacaabay Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (Indho-balac)oo kasoo jeeda jufada hoose ee Gudoomiye Kuxigeenkii hore ee Xilka laga qaaday xabsigana la dhigay Xaamud Xuseen Cabdillahi oo hada kuxidhan Xabsiga weyn ee Hargeysa.
Gudoomiye Kuxigeenkan lasoo magacabay Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (Indho-balac)ayaa la sheegay inuu ahaan jiray ganacasde Xiligii doorashii Golaha wakiilada Somaliland ee 20105tiina isu soo sharaxay xubnihii Golaha Wakiilada Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer balse ku guuldaraystay inuu soo baxo.hadana waxa uu kamida ahaa Xubnaha Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland.