Xukumada Cusub Ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo La Sheegay Inay Joojisay Gabi Ahaanba Saldhigii Ciidan Ee Dawlada Isutaga Imiraatka Carabtu Berbera Ka Samaysanaysay Iyo Xogo La Helay
December 24, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Cusub Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sidda ay sheegayaan xogo lagu kalsoon yahay waxa uu ganafka ku dhuftay gabi ahaanbana joojiyay Heshiiskii Saldhiga military ee magaalada Berbera.
Warqad kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa wasaaradda arrimaha dibbadu u dirtay dalka imaaraatka carabta taasoo Madaxweynuhu kaga noqday heshiiskii labada gole baarlamaan sida khasabka lagu jiidhsiiyey ee sharciga iyo xeerarka dalka uyaalana aan waafaqsanayn.
Dhanka kale sidda xogahani tibaaxayaan waxaa lagu wargeliyy shirkaddo dhismayaal hawshaasi ku saabsan ka waday madaaarka Berbera iyo xeeliga bada ee ku beegan madaarka diyaaradaha Berbera oo dekeda ciidan laga sameynaayay inay joojiyaan oo ay faraha ka qaadaan hawshaas.