Baashe Morgan Oo Laga Joojiyay $180 Kun Oo Uu Bilkasta Ku Qaadan Jiray Mashiin Lagu Baadho Tayda Shidaalka Oo Shaqeynin Oo Yaalay Haamaha Shiidaalka Berbera
December 25, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda cusub ee Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa joojisay lacag dhan boqol iyo sideetan kun oo doolar(180.000$) oo wiilka Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilanyo Sodoga uyahay Baashe Morgan bilwalba ku qaadan jiray mashiin uu dibada ka keensaday oo uu dawladda kaga kireeyey baadhista tayada shidaalka wadanka la keeno balse aan shaqeynin oo awooda xukumadii uu sodogii Siilanyo hogaaminaayay ku qaadan jiray lacagtaas.