Wasiirka Maaliyadda JSL: Socod-barad Siyaasadda ku haftay!
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md Yuusuf Maxamed Cabdi waxa aad mooddaa qof aan isir iyo ab ku aroorin. Caddaaladda iyo sinnaanta waa loo baahan yahay, laakiin bulshadu ma kala maaranto. Haddii berri lagu dhawaaqo bannaanbax ka dhacaya deegaanka uu ka soo jeedo, isaga ayaa ugu hor gubanaya. Madax-dhaqameedku waa qayb ka mid ah dhismaha Somaliland, xitaa Muuse Biixi Cabdi ayaan indhaha ka qarsan karin.
Inaga oo ogsoon habdhaqanka labadii wasiiir ee isaga ka horreeyay, side ayuu u diidi karaa shaqaalaynta dadkiisa? Yaa markaa ka wakiil ah? Hadallada qaarkood oo uu soo bandhigay ma aha kuwo ku fiican in ummadda la gaadhsiiyo. Yaa askarta beddel yidhi? Yaa guri kale gal yidhi? Yaa qandaraas durba u bandhigay? Ma mirqaankii ayaa male-awaal tusay?
Dhawaan waxa aanu bannaanka keeni doonnaa gefafkiisa insha Allah.