Dawlada Ivory Coast Oo Wasiir Hore 20 Sanno Oo Xadhig Ah Ku Xukuntay Iyo Danbiga Uu Sameeyey
December 27, 2017 - Written by Berbera Today
Ivory Coast(Berberatoday.com)-Hubert Oulaye, oo horay dowladda Ivory Coast wasiir uga soo noqday ayaa
waxaa lagu xukumay 20 sanno oo xadhig kaddib markii lagu helay inuu ku lug lahaa dilka 18 qof sannadku markuu ahaa 2012, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 7 qof oo ka mid ahaa nabad ilaaliyayaasha Qaramada Midoobay.
Mr Oulaye ayaa waxa uu wasiirka howlaha guud u ahaa madaxweynihii hore ee waddankaasi, Laurent Gbagbo.