berberatoday.com
Ururka Suxifiyiinta Somaliland Ee SECJA Oo Ugu Baaqay Suxufiyiinta Somaliland In Ay Qaadacaan Shirka Aan Loo Dhamayn Ee Xuuto Tahriibinayo.
December 28, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Ururka Suxfiyiinta Somaliland Ee SECJA Waxay Ugu Baaqayaan Suxifiyiinta Somaliland In Aay Qaadacaan Shirka Uu kaligii Diyaarsaday Ninka Isku Filanta Ah Ee ee lagu magacaabo Maxamud Cabdi Jaamac Xuuto,

Warsaxaafadeedkan Oo Kasoo Baxay Xafiiska Suxifiyiinta Somaliland Ee SECJA Berbera Wuxuu Bayaan Kasoo saaray Shirka Uu Ku Baaqay Xuuto Oo Iminka Uu Ka Dhamaaday Mudo Xileedkiisii
Ururka SOLJA Waxaa Wada Leh Suxifiyiinta Somaliland Oo Dhan, Laakiin Waxaa Cunaha Iskaga Duubay Koox Kaligood taliyayaal Ah oo uu hogaaminayo Xuuto,
Ururka Suxifiyiinta Somaliland Ee SECJA Waxaay Ugu Baaqayaan, Kana Codsnayaan Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo In Uu Faraha Lasoo galo Arinka Cakiran ee Doorashada Lixaad Ee Ururka SOLJA badbaadiyana ururka ,
Waayo Dhawr Nin Uu Samaystay Xuuto Ayaa Doonaya In Ay Majara Habaabiyaan Ururka SOLJA Si Aay Sifo Aan Sharci Ahayn Ugu Sii Haystaan Maamulka Ururka,,
Waxaan Uga Digaynaa Xuuto sababihii Dhaliyay In Magaalada Burco Lagaga Dhawaaqo Ururka SECJA In Anay Dib Usoo Laaban, , Oo Aanay Dhalin In Saxaafada Somaliland Ay Sii Kala Fogaato, Oo Ururo Kalena Samaysmaan,
Waxaanu Wasiirka Cusub Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo Ka Codsanaynaa In Uu Marlabaad Hoos U Eego Baaqa Suxifiyiinta Ururka SECJA iyo Waliba Suxifiyiinta waawayn Ee Ku Kala Nool Caasimada iyo Goboladaba Oo Dhamantood ka cabanaya Maamulka iyo Qabashada Shirka Oo Aan Loo Dhamayn,
Xafiiska Ururka SECJA Berbera
COMMENTS
|