Maxkamadda Dastuurka Dalka Koonfurt Afrika Oo Xukuntay In Xilka Laga Qaado Madaxweyne Zuma
December 30, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamadda dastuuriga ah ee dalka Koonfur Afrika ayaa maanta xukuntay in baarlamaanka dalkaas ay waajibaadkooda gudan waayeen, waxayna maxkamaddu baarlamaanka ku amartay in uu bilaabo hab raaca xilka looga qaadi lahaa madaxweynaha dalkaas Jacob Zuma oo loo haysto dacwado musuqmaasuq.
Dacwadda waxaa maxkamadda geeyay xisbiyadda mucaaradka oo dhawr jeer isku dayay in ay madaxweynaha kalsoonida kala laabtaan, balse waxaa ka tiro batay xildhibaanada xisbiga talada haya ee ANC oo aqlabiyad ku leh baarlamaanka.