Ciidamada Booliska Gobolka Saaxil Oo Soo Qabqabtay Gaadiid Iyo Rag Ku Hawlanaa Dib Ubilawga Dhismihii Dekeda Macmalka Aheyd Ee Ceel Gardi Horena Shaqaaqadu Uga Dhalatay
April 4, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Ciidamada Booliska Berbera oo fulinaya amarka gudoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed ayaa shalay galinkii danbe kasoo qabqabtay Deegaanka Ceel Gardi koox kasoo jeeda Deeganka Bariga burco oo ku hawlanayd dib ubilawga dhismaha Dekeda macmalka aheyd ee shaqaaqada baahsani ka dhalatay horena Xukumada Somaliland usheegtay in dhismaha dekedaasi yahay sharcidaro cid dhisi kartaana aanay jiri doonin wixii dhisme Dekedeed la xidhiidhana ay Xukumadu uun dhisi karto masuuliyadeedana Qaranku leeyahay.