Muqdisho: Ciidamo Weerarray Guriga Siyaasi Caan Ka Ah Soomaaliya
December 31, 2017 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda weerartay guriga Senetor Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo duhurnimadii Sabtida ee Maanta Ciidan hubaysan oo loo malaynayo inay kuwa dawladda yihiin ay xoog ku galeen.
Xilliga weerarku uu dhacay, Mr Qaybdiid waa uu ka maqnaa guriga, mana jiro wax khasaare nafeed ah oo halkaa ka dhashay.
Senetor Cabdi qaybdiid oo goor dambe saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in taliyaha nabadsugidda ee gobolka Banaadir uu ku wargeliyey in guriga ay soo weerareen ‘ciidamo ka amar qaata Iimaaraadka carabta’.