Farnce: Xeer Ilaalinta Dalkaasi Oo Baadhaysa Shirkadaha Soo Saara Caanaha Carruurta Oo In Badani Ku Sumoobeen !
January 1, 2018 - Written by Berbera Today
Paris(Berberatoday.com0-Muddooyinkan dambe ayaa la ogaaday in qaar ka mid ah caanaha la siiyo Carruurta yaryar ay yihiin kuwa sumaysan isla markaana laga helay sunta magaceeda la yidhaahdo Calmonila.
Carruur tiradoodu dhan tahay 31 ayaa la sheegay inay ku sumoobeen caano ay cabeen isla markaana ay dhakhaatiirta Dalka Faransiisku haatan xaaladooda Caafimaad gacanta ku hayaan.
Sidaasi awgeed xeer ilaalinta Dalkaasi ayaa waxa baadhis ku samaynayaa shirkaddaha soo saara caanaha Carruurta, shirkada ugu caansan ee arrintani ku eedaysan ayaa waxay tahay shirkadda Lactaless, mid ka mid ah madaxda shirkadaasi ayaa cudur daar u soo jeediyay dadka ubadkooda siiya caanahaasi waxaanu cadeeyay inay xaqiiq tahay in Suntaasi la sheegay inay caanahaasi ku jirto ay xaqiiq tahay.