Saldhiga Berbera iyo Saameyntiisa xoogan ee Dagaalka Gacanka Cadmeed . qalinkii A/rahman fidhinle UK
January 1, 2018 - Written by Berbera Today
Waxaa fo’gaan aragu ku doodeen in heshiiska Saldhiga Berbera ansixintiisu uu ka hor imanaayo Dastuurka Qaranka Somaliland maadaama aan si hufan oo daahfuran loo soo bandhigin heshiis rasmi ah oo dhameys tiran. sida lawada ogyahay taariikhda 12/2/2017 Waxaa golaha baarlamaanka si jujuub ah lagu marsiiyey nuqul yar oo qabyo qoraal ah oo lagu sheegay nuxurka heshiiska. Xukuumada Somaliland ayaa Baarlamaanka u gudbisay xog kooban ama qoraal lagu sheegay nuxurka heshiiska oo intiisa badani aaney hufneyn waxna ka sheegeyn faa’iidooyinka buuran ee laga helaayo Saldhiga Berbera iyo guud ahaan waxa lagu tilmaamay maalgashiga Imaaraatiga ee Somaliland.Waxaa Shacabka reer Somaliland kala garan waayeen Mashaariicda horumarineed ee Heshiiska Saldhiga Berberi Xanbaarsan yahay. ka dib markay Xukuumada kulmiye ee cusubi ay ka dhawaajisay Mashaariicdii ay hore Shirkadii DPWorld ee Dekeda Berbera la wareegtay ay hore ugu balan qaaday in ay dalka ku horumarinayso sida Mashruuca Berbera Corridor oo ka mid ahaa Mashaariicdii DPWorld ku kasbatay Dekeda Berbera.
Danaha isku lingaxan ee Somaliland iyo Itoobiya.
Dawlada Itoobiya oo iyadu si gaar ah isha ugu haysa deegaanada Somaliland iyo Dekada Berbera ayaa markii hore ku taageersaneyd Imaaraatiga inuu maalgashto Dekada Berbera maadaama iyaduna saami ku leedahay mashruuca DPWorld ee Dekeda Berbera iyo waliba inay iska kaashadaan khaliijka cadaadinta Eritereya balse Addis Ababa ayaa fikir kale keentay kadib markii dawlada Somaliya iyo Xukuumada Siilaanyo ogolaadeen Saldhiga Militari in Imaaraatigu ka sameysto khooriga magaalada Berbera. Waxaa hubaal ah in Dawlada Itoobiya u aragto Saldhiga dal Carbeed ka sameysto Somaliland mid ka horimaaneysa qorshahooda dheer ee Geeska Africa mustaqbalka, Waxaana ay Itoobiya mudnaanta siinaysaa faa’iidooyinka dhaqan dhaqaale ama ganacsi ee ay ka helayso Dekeda Berbera ee ay Saamiga ku leedahay. Itoobiya ayaa sidoo kale ka cabsi qabta in dalka Masar ay ku lug leedahay danaha Imaaraatiga ku doortay Madaarka Berbera, maadaama dawladaha Masar & Sudan iyo Itoobiya ay isku heystaan weli mashruuca biyo xireenka weyn ee Wabiga Nile oo ay ku xidhan tahay nololasha labadaasi dal ee Carbeed.