Xidhiidhka Kubada Cagta Aduunka Ee FIFA Oo Garsoorayaal Soomaali Ah U Aqoonsaday Heer Caalami
January 4, 2018 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Xidhiidhka kubada Cagta Caalamka ee FIFA ayaa soo saaray Liiska Garsoorayaasha heer Caalami gaadhay kuwaas oo ay kujiraan Garsoorayaal Soomaali ah.
Garsoorayaasha lasoo saaray liiskooda waxaa ka mid ah Garsoorayaasha Soomaaliyeed ee kala ah Cumar C.qaadir Cartan iyo Maxamed Soomaali kuwaas oo loo gartay in ay caalami noqdaan markii ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.
