berberatoday.com
Guddi Hoosaad Wakiillada Ah Oo Baadhaya Sidii Loo Kharash-gareeyay Miisaaniyad-sannadeedkii 2016-ka Oo Golahaa Hor-taalla
January 4, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddiga ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Shalay kulan la yeeshay Hanti-dhowraha Guud iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland, waxayna ka wada-hadleen Xisaab-xidhka Miisaaniyad-sanadeedkii 2016-ka oo Hor-taalla Golaha Wakiillada.

Kulankan Saddex Geesoodka ah oo Albaabbadu u xidhnaayeen, ayaa markii uu soo dhamaaday waxa ujeeddadiisa faahfaahiyey Guddiga Guddi Hoosaadka Ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Naasir Cali Shire, waxaanu yidhi “Waxa Xafiiska nagu soo booqday Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka oo wata Shaqaalihiisii iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka oo wata Shaqaalihiisii, Kulanka aanu la yeelanay wuxuu daaranaa Xisaab-xidhkii Miisaaniyad-sanadeedka 2016-kii oo hor-yaalay Golaha Wakiillada, waxa kale oo uu kulanku daaranaa wixii ka dambeeya Xisaab-xidhkan sida loo wada shaqeynayo.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay in Masuuliyiinta Hanti-dhowrka iyo Xisaabiyaha Guud u ballan-qaadeen inay tusaan Caddaymaha Xisaab-xidhka miisaaniyaddii 2016-ka “Waxaanu isla soo qaadnay Xisaab-xidhnaa waxyaabaha ku gedaaman sidii loo caddayn lahaa ee faahfaahin looga bixin lahaa ee Dhukumantiyadiisa loo heli lahaa ee loo caddayn lahaa, Xisaabiyaha Guud iyo Hanti-dhowraha Guud waxay noo ballan-qaadeen waxyaabahaas caddayntoodii inay noola diyaar yihiin inaanu idhahayaga ku soo aragno, markaa Maalmaha soo socda ayaanu ka hawl-galaynaa sidii aanu u soo taaban lahayn Tirooyinka Lacageed ee ku qoran Xisaab-xidhka Miisaaniyadda sidii loo kharash-gareeyay iyo Dakhligaasi siduu ku yimid.”ayuu yidhi, Xildhibaan Naasir Cali Shire

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews