berberatoday.com
Boqorka Sucudiga Oo Amray In La Kordhiyo Mushaharka Shaqaalaha Dowladda Iyo Sababta
January 6, 2018 - Written by Berbera Today

Riyad(Berberatoday.com)-Shaqaalaha dowladda Sucuudi Carabiya ayaa la siin doona lacago looga

caawinayo cashuuraha cusub ee lagu kordhiyay iibka alaabaha iyo sare u kaca qiimaha shidaalka.

BoqorKa Sucudi Carabiya boqor Salmaan Bin Cabdalla, ayaa amar ku bixiyay in mushaharka shaqaalaha dowlada lagu kordhiyo bil kasta in ka badan 260 doolar laga bilaabo sanadka soo scocda.

Image may contain: 1 person, hat

 

 

Talaabadan ayaa lagu caawinayaa dadka ay ku adkaatay maciishada caadiga ah, taasi oo ka dhalatay sare u kaca qiimaha shidaalka iyo kordhinta canshuuraha.

Boqortooyada Sucudi Carabiya ayaa aad u laba jibaartay sicirka shidaalka ee gudaha Sucudi Carabiya, waxaana lagu soo rogay inta badan alaabaha ay ka mid ka yiiin raashiinka iyo adeeegyada kale canshuur gaareysa boqolkiiba 5%.

Dowladda Sucudi Carabiya waxay dooneysa inay yareyso ku tiirsanaanta shidaalka ee dalkeeda, kaddib markii uu dhawaan aad u sabeeyay sicirka shidaalka ee suuqyada caalamka.

Dowladda Isu-tagga Imaaraat-ka Carabta ayaa sidoo kale canshuur gaareysa bqolkiiba 5% kusoo rogtay alaabaha la iibiyo.

Amarka boqorka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta isticmaala adeegyada gaarka ah sida caafimaadka iyo adeegyada waxbarasho ay dowladdu ka caawin doonto bixinta canshuuraha.

Sidoo kale ciidamadda milatariga ee jiida hore uga jira dagaalka ka soconaya Yamen ee ka dhanka Xuutiyiinta ayaa sidoo kale loo qoondeeyay lacaga gaadhaya in ka badan $1,000.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews